Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

Dib u Eegis: Liverpool vs Man United | Wararka Ciyaaraha

Liverpool vs Man United | Wararka Ciyaaraha

Dunida kubadda cagta ayaa diiradda saartay garoonka Anfield, oo ah guriga Liverpool FC, fiidnimadii Axadda, December 17, 2023, iyagoo Liverpool ay isku wajaheen halkaasi martidooda Manchester United kulan aad loo wada sugayey oo Premier League ah.

Fursadihii Ciyaarta

Inkasta oo ay isku dayo badan sameeyeen hadana labada kooxoodba uma suurta galin in ay gool dhaliyaan,waxana ay ciyaartu ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah. Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk ayaa min laba iyo afar isku day oo goolka ah sameeyay, laakiin uma suuro galin inay gool u badalaan. Rasmus Hojlund oo ka tirsan Manchester United ayaa sidoo kale dhowr jeer isku dayay goolka, laakiin ma uusan awoodin inuu gool ka dhaliyo. Goolhayeyaasha labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo la yimid isbaarooyin waa weyn, si ay natiijada ciyaarta ugu sii ahaato 0-0.

Isbeddellada iyo Xeeladaha.

Intii ay ciyaartu socotay, labada kooxoodba waxay sameeyeen beddello dhawr ah. Alejandro Garnacho ayaa lagu badalay Marcus Rashford, kaas oo dardar dheeri ah siiyay Manchester United. Taas bedelkeeda, Liverpool waxay Joe Gomez ku soo beddeshay Dominik Szoboszlai iyo Cody Gakpo oo lagu bedelay Ryan Gravenberch, kaas oo laga yaabo inuu dhaawac soo gaadhay waa Ryan Gravenberch-e. Laakin natiijada ugu danbeysa ee ciyaarta waxba iskama bedelin. Markii la isku hagaajiyay taatikoda, macalimiinta labada kooxood ayaa isku dayay inay midba midka kale ka qayaano, laakiin midkoodna uma suurta gelin inuu wax muuqda uu keeno.

kaadhadhka Digniinta (Yellow Cards)

Waxaa jiray dhowr fal edbin ah intii ay ciyaartu socotay. Marka la eego xamaasadda ciyaarta, waxa kaadhka digniinta ah la siiyay Wataru Endo oo Liverpool ka tirsan iyo Sofyan Amrabat iyo Kobbie Mainoo oo Manchester United ka tirsan. Inkasta oo ay jireen waqtiyo kulkulul oo garoonka dhexdiisa ah, haddana ciyaartoydu waxay u dhaqmeen si cajiib ah oo isboorti iyo ixtiraam midba midka kale uu ixtiraamayay.

Is badalka Hogaaminta Horyaalka

Liverpool oo la sii saadaalinayay inay si fudud dhibcaha ku qaadan doonto ayaa waji gabax la kulantay, maadaama ay Man United baryahan dambe xaalado cakiran ku jirtay waxaa la is lahaa Livepool si fudud ayay ku badin kartaa

Liverpool ayaa u muuqata mid lumisay 2 dhibcood oo muhiim ahaa maadama ay doonaysay inay hogaanka ku sii cidhiidhiso Arsenal oo iyadu 2-0 uga soo badisay Brighton, sidoo kale Liver waxay doonaysay inay ka sii cararto Man City oo iyadu todobaadkan dhibco lumisay.

Gabagabadii.

Ciyaarta Liverpool iyo Manchester United ayaa labada dhinacba soo bandhigtay ciyaar aad u adag iyo xirfad farsamo. Ciyaarta ayaa lahayd xamaasad heer sare ah, balse waxay ku dhammaatay ismari waa. Labada kooxood ayaa laga filayaa inay is badalo sameeyaan si Liverpool-na ay hogaanka ay ugu sii loolanto, Man United-na ay kaalmaha sare u soo tiigsato.

Abdirahman
Abdirahman
Articles: 12

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *