Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

Wararka Ciyaaraha: Rüdiger oo Jilbaha Qabsday Toni Kroos, Ogow Sababta – 2024

Laacibka khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos oo 2018 hore u shaaciyay inuu isaga fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah iyo u ciyaarista kulkiisa Germany ayaa imika sheegay inuu ka fiirsanayo dib ugu soo laabashadiisa ciyaaraha caalamia ah.

Toni Kroos ayaa ku dhawaaqay in uu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib koobka aduunka 2018 ee ka dhacay dalka Russia kaas oo ay xulkiisu si bahdil ah group stage-ka ugu hadheen.

Maxaa sababay inuu Go’aankiisa badalo

Toni Kroos oo saxaafada kula hadlay Germany markii ay Real Madrid u safartay Union Berlin ayaa yidhi: “Muddo dheer ayaan ka fikirayay inaan ku soo laabto u ciyaarista xulka, laakiin wali go’aan kama gaadhin, waana ka soo fikirayaa arintan, Rüdiger ayaa lugaha i qabsaday! si aan go’aankaygii hore u badalo xulkan ugu soo laabto markaa aniguna waan ka fikirayaa.”

33-sano jirkaan ayaa ku jira waqtigiisii ​​ugu fiicnaa, hadii uu dib ugu soo laabto ciyaaraha heerka caalami wuxuu la ciyaari doonaa khadka dhexe Joshua Kimmich iyo Ilkay Gundogan Euro 2024, taasoo ka dhigeysa khadka dhexe ee Germany mid ka mid ah Khadadka dhexe ee ugu awooda badan.

Waxqabad kiisii Xulka

Kroos ayaa halbowle u ahaa guushii xulka Mannschaft ee Koobkii Adduunka 2014, laacabikan xirfada sare leh ayaa wali u muuqda inuu yahay muhiim iyo lagama maarmaan. Table-ka hoose ayaan ku eegaynaa waxqabadkiisi xulka, haday ahaan lahayd Goolasha, Caawinta iyo Tirada kulamada.

KULAMADAGOOLASHACAAWINTA
1061719
FIIRO GAAR AH: qiimantan sare kaliya waa tartamada caalamiga ah

sidoo kale Toni marka loo eego da’diisa waxqabadkiisa xili ciyaareedkna ma xumaha, 21 oo uu u saftay Real Madriid dhamaan tartamada wuxuu dhaliyay 1 Gool 5 kalena wuu caawiyay kaliya 2 card oo huruud ah ayuuna qaata, wixii xog dheeraad ah ka daalaco halkan.

Gabogabada – Wararka Ciyaaraha

lama oga waxa uu Toni go’aansan doono, balse waxaa la filiayaa in masuuliyiinta xulkiisa iyo ciyaartooyada ay isku dalka yihii sida Rüdiger inay caadaadis ku saari doonaan kana codsan doonaan inuu ku soo laabto xulka kana caayio Euro 2024.

Sidoo kale Aqrisho Maqaalkan: FiFA oo Shaacisay 3-da Laacib ee ku Tartamaya Abaalmarinta The Best

Abdirahman
Abdirahman
Articles: 12

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *