Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

Wararka Ciyaaraha Todobaadkan: Maxaa laga yidhi Ciyaaraha Todobaadkan?

Wararka-Ciyaaraha-Todobaadkan

Wararka Ciyaaraha iyo Todobaadkan oo ah todobaad ciyaaro xiiso badan ay dhici doonaan haba ugu waynaato tan dhex mari doonta Man United iyo Liverpool. qormadan waxaan ku eegi doonaa dhamaan ciyaraa xiisaha leh iyo waxa laga yidhi.

Liverpool vs Man United

Jürgen Klopp ayaa sheegay inuu aad u neceb yahay inuu wajaho marka Man United cadaadis uu saaran yahay oo ay warbaahintuna ay dacaayadeenayso. sidaan wada ognahay Man United ayaa imika ku jirta xili ciyaareedkeedii ugu xumaa abid, bale Klopp ayaa meesha ka saaray in Man United la dhayalsan karo

sidoo kale Jürgen Klopp ayaa ku tilmaamay natiijadii 7 – 0 inay ahayd wax lama filaan ah oo aan mar walba dhici karin. wuxuuna yidhi “Natiijadii 7 – 0 anaga xataa ma filaynin, mana aha wax mar walba dhici kara”

Dhanka kale Erik ten Hag ayaa yidhi “in kastoo ay laacibiin badan naga maqan yihiin hada raggayga way isku kalsoon yihiin”. Ten Hag ayaa laga yaabaa in la caydhiyo waa hadii uu ku hor kufu Liverpool ee, inkastoo uu isagu sheegay in aan la racdeen doonin ilaa uu la kulmo Ninka dhawaan share-ka ku yeeshay Man United.

Ciyaaraha Kale ee Yurub

Marka laga soo tago Darbiga England Man iyo LIverpool, waxaa kaloo jira ciyaaro xisoo badan sida Arsenal vs Brighton, Barcelona vs Valencia ilaa Inter Milan vs Lazio. qaybaha hoose ee qoramadan ayaan ku soo koobi doonaa wixii laga yidhi dhamaantood.

Arsenal vs Brighton

kulankan waa mid aad u xiiso badan waayo Arsenal waxa ay doonaysaa inay sii wadato bandhig wanaageedii si ay u xoojiso riyadeeda ku guulaysiga Premier Leagu-ga. dhanka kale Brighton waa koox aad u dhib badan oo waliba doonaysa inay difaacato booskeeda yurub si ay sanadka dabe uga qayb gasho tartamada yurub ku darso waliba Brighton waxa ay ku jirtaa mid ka mid ah waayaheedii ugu fiicnaa abid waana koox aan la dhayalsan karin.

Hadii kulankan la qabto Arsenal waxaa ceel madow ku dhici doona rajadeedii ku guulaysiga Premier League-ga waayo waa ku soo food leh ciyaarihii is daba jooga ahaa ee dhamaadka sanadka la ciyaaro horyaalka England halka Horyaalada kale ay fasax yihiin taasina waxay sababi kartaa daal jidheed oo ciyaartooyda soo wajaha iyo xataa dhaawacyo, sidaa darteed kulan walba oo premier league ah waa muhiim in ay badiso Arsenal.

Inter Milan Lazio

Inter iyada ayaa hogaanka u haysa Serie A sidaa darteed waxay u dagaalami doontaa inay sii hayo ka hor sanadka cusub iyo inta aan la gaadhi UCL oo bisha 2aad 2024 loo laabanaya markaas oo ay howshu sii adkaanayso, sidaa darteed Inter waa inay badisaa kulan walba.

dhanka kale Lazio waxa ay joogtaa kaalinta 10aad taas oo micnaheedu yahay inay waayi karto booskeeda Yurub, sidaa tarteed waa inay la timaadaa shaqo adag si ay u soo gaadho kaalmaha hore. Lazio ayaa lafteeda cadaadisyadu ku sii kordhi doonaa maka la gaadho 2024 maadaama ay qayb ka tahay Wareega 16 ee UCL.

Barceloona vs Valencia

Barcelona iyo Xavi waxaa saaran cadaadish aad u daran maadaama ay u muuqdaan ina aanay difaacan karin La Liga sandakan, waxaana laga yaabaa in Xavi uu meesha ka baxo maadama uusan la iman wixii laga filayay sandakan oo ahayd inuu 1aad sii xajisto.

Gabogabo

waan arki doonaa sida ay wax u dhacaan gaar ahaan Ciyaaraha Premier League oo todobaadkan laga yaabo inay dhacaan is badalo waa-wayn sida ciyaarta Arsinal vs Brighton iyo tan kale ee Darbiga Liverpool vs Man United.

Abdirahman
Abdirahman
Articles: 12

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *