Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

Supercomputer oo ka Farxiyay Kooxa Man City | Wararka Ciyaaraha

Wararka Ciyaaraha Maanta - Saadaasha SuperComputer

Supercomputer ayaa ka farxiyay kooxo badan iyo taageerayaal markii uu saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta tartanka champions League oo ay isugu soo hadheen 16 kooxood. Saadaashan ayaa timid kadib wareegii 16ka natiijadii.

Qaabka ay Kooxuhu isugu aadeen

Kooxda England ee kaalinta labaad ku jirta ee Arsenal ayaa wajihi doonta kooxda FC Porto, halka kooxda difaacanaysa koobka ee Manchester City ay la ciyaari doonto FC Copenhagen. Paris Saint-Germain ayaa kulan sahlan la ciyaari doonta Real Sociedad.

Arsenal vs FC PortoReal Madrid vs RB Leipzig 
FC Copenhagen vs Manchester CityPSV Eindhoven vs Borussia Dortmund
Inter Milan vs Atlético MadridNapoli vs Barcelona
Lazio vs Bayern MunichParis Saint-Germain vs Real Sociedad
Qaabka la isugu aaday

Ciyaara adag ee soo socda

Si kastaba ha ahaatee, kulamada ugu adag ayaa la filayaa inay yihiin Barcelona vs. Napoli, Atletico Madrid vs Inter Milan. halka wixii intaa ka soo hadhay ay yihiin kulamo fududu oo ay kooxaha waa wayn soo bixi karaan, dabcan waa sida la filayo inkastoo lama filaan uu dhici karo!

Saadaasha SuperComputer

Sida laga soo xigtay supercomputer, Man City ayaa la filayaa inay qaado boqolkiiba 49, halka Bayern Munich ay ku jirto kaalinta labaad oo la siiyay 18 boqolkiiba kaliya. Sida qiyaasta ah, Real Madrid ayaa haysata fursada saddexaad ee ugu fiican, waxayna haysataa 14 boqolkiiba. Dhanka kale Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyada oo haysata 10% oo kaliya.

KOOXDABOQOLLEYDA
Manchester City49%
Bayern Munich18%
Real Madrid14%
Arsenal10%
Paris Saint-Germain4%
Barcelona4%
Atletico Madrid1%
Inter Milan1%
Borussia Dortmund1%
5 kooxood ee kale waxay heleen 0%

Gabogabo

Gabagabadii, saadaasha supercomputer-ka ayaa xamaasad ka dhex kicisay kooxaha iyo taageerayaashaba. Tartanka Champions League oo ay isugu soo hadheen 16-kooxood ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid aad u xiiso badan. Algorithms-yada xisaabaadka supercomputer ayaa siisay Manchester City Qayaasta ugu sarreysa ee guusha. Si kastaba ha ahaatee, maadaama ay kooxo waa wayn joogaan sida Bayern Munich, Real Madrid, iyo Arsenal tartanku weli wuu furan yahay. inta ay ciyaaruhu socdaan.

Sidoo kale Aqriso: 
1. FiFA oo Shaacisay 3-da Laacib ee ku Tartamaya Abaalmarinta The Best
2. Jude Bellingham oo Rikoor Cusub loo diiwaan galinayo
3. Real Madrid oo Badalka Mbappe Raadinaysa
Abdirahman
Abdirahman
Articles: 12

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *