Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

Liverpool oo Dib u Helaysa LKDH | Wararka Ciyaaraha

Wararka ciyaaraha maanta waxaan ku soo qaadan doonaa: Liverpool Si ay u badiso kulanka muhiimka ah ee ay sabtida la ciyaari doonto Arsenal isla markaana ay dib ula wareegto hogaanka horyaalka, kooxda kubbada cagta Liverpool ayaa rajaynaysa inay dib u soo dhaweeyaan saddex ciyaartoy oo dhaawac ka dhaawacnaa.

3-da Laabic ee soo laabanaya

Kahor kulanka Arbacada Carabao Cup ee ay la ciyaarayaan West Ham United, ku xigeenka tababaraha Liverpool Pep Lijnders ayaa rajo ka muujiyay in Ryan Gravenberch, Diogo Jota, iyo Alexis McAllister ay soo laaban doonaan.

Inkastoo dhaawaca Ryan Gravenberch uusan ahayn mid halis ah, Mac Allister iyo Diogo Jota ayaa ahaa kuwa walwalka ugu badan laga qabay. Jurgen Klopp ayaa ku farxi doona inuu dib u helo laacibiintaasi sababtoo ah waxay ciyaari doonaan kulamo badan oo muhiim ah isbuucyada soo socda.

Gabogabo – Wararka Ciyaaraha Maanta

Inta lagu gudo jiro Ciid Gaaleeda Kirismaska waxaa la ciyaari doonaa Ciyaaro badan oo Premier League-ga England ah, mudadaasi kooxdii ay ciyaartooy badani ka dhaawacan yihiin ama ay ka dhaawacmaan waxay u badnaan doontaa in ay ka hadho loolanka hogaanga horyaalka, sidaa darteed kooxuhu waxay ka cabsanayaan dhaacawyo soo wajaha.

Sidoo kale Aqri:
1. Supercomputer oo ka Farxiyay Kooxa Man City | Wararka Ciyaaraha
2. Real Madrid oo Badalka Mbappe Raadinaysa | Wararaka Ciyaaraha.
3. FiFA oo Shaacisay 3-da Laacib ee .... Wararka Ciyaaraha
Abdirahman
Abdirahman
Articles: 12

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *