Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

Saadaasha isku aadka UCL oo la sameeyay – Wararka Ciyaaraha Maanta.

wararka-ciyaaraha-maanta-iyo-saadaasha-isku-aadka-champions-league-ga

Qormadan waxaa ku eegi doonaa Saadaal horudhac ah oo laga sameeyay sida ay isugu aadi karaan kooxaha isugu soo haray wareega 16-ka ee UCL 2023/24.

isku aadku wuxuu dhici doonaa maalinta Isniinta ah 18 bisha 12aad ee sanadkan 2023-ka, 8da kooxood ee kaalinta koowaad ku soo baxay ayaana lagu aadin doonaa 8da kaalinta 2aad ku soo baxay.

shaxdan hoose waa sida ay kooxuhu ugu soo kala bexeen kaalmaha 1aad iyo 2aad waxaanay imika ku kala jiraan 2 dhari sida shaxda hoose kaaga muuqata, dhariga koowaad oo ah kooxaha kaalmaha koowaad ku soo baxay iyo dhariga labaad oo ay ku jiraan kooxaha kaalinta 2aad ku soo baxay.

DHARIGA 1AADDHARIGA 2AAD
Bayen MunichCopenhagen
Real MadridPSV
ArsenalNapoli
Atletico MadridInter Milan
Real SociedadPSG
Man CityRB Leipzig
BarcelonaLazio
Borussia DortmundPorto

Sidoo kale shaxdan hoose waa sida ay saadaasha u dhacday, waxaana la isku beegay koox dhariga 1aad ku jirta iyo mid dhariga 2aad ku jirta, iyadoo la kala ilaalinayo kooxaha isku wadanka ah maadaama wareega 16 aan la ogoleen inay isku beegmaan kooxo isku wadan ah.

Arsenal vs PSGReal Madrid vs Lazio
Bayern Munich vs NapoliBarcelona vs Inter Milan
Man City vs PSVAtletico Madrid vs Porto
Dortmund vs CopenhagenReal Sociedad vs RB Leipzig

waaxaan mid mid isku dul taagi doonaa saadaasha ka muuqata shaxda sare inagoo falanqayndoona kooxaha sida ay u kala awood badan yihiin iyo waxa laga filan karo kulamadaasi waa haday isku aadaane, bale mar walba maanka ku hay ina waxan ay yihiin saadaal un oo laga yaabo in aanay dhicin, balse haday saadaashan rumowdo waxaan daawan doonaa ciyaaro adag.

Arsenal vs PSG

Arsenal wareega 16-ka waxaa ugu dambaysay xili ciyaareedkii 2016/17 markaas oo ay ku hartay lugaha Barcelona maadaama waayahaasi ay kacsanaayeen MSN (Messi, Suarez iyo Neymar). balse Arsenal ayaa imika u muuqata iyo ay xoog leedahay oo ay xataa Real iyo Bayern la dagaali karto waxaana laga yaabaa inay xili ciyaareedkan meelo fiican ka gaadhaan UCL-ga.

Dhanka kale, PSG inkastoo ay tahay koox wayn oo adag hadana waxaa la dhihi karaa waxay ku jirtaa Ciyaareed liita waayo Group kooda dirqi ayay uga soo baxeen, waliba sanadihii ugu dambeeyay meelo xun ayay ku hadhaysay xataa iyadoo Messi iyo Neymar ay joogaan.

Real Madrid vs Lazio

Real Madrid oo ah Boqorka UCL ayaa sanadka u muuqata inay aad iyo aad ugu dagaalami doono UCL maadaama Liiga 1 koobaad laga hayo walibana laga yaabo inay wayso, Haa! kow ma joogo xili ciyaareedka La Liga-na way qaadi kartaa laakiin UCL ayaa mar walba u muhiimsan!

Dhanka kale Maurizio Sarr tabaharaha kooxda Lazio oo sheegay inuu jeclaan lahaa inuu Barcelona Wajaho ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu Real Madrid Wajaho, si kastaba ha ahaatee Lazio waa koox Talyaani ah mana sahlana oo kooxaha talyaaniga ee falsafada difaaca ku ciyaadha way dhib badan yihiin,

Bayern Munich vs Napoli

Harry Kane oo isagu doonaya inuu ka baxo abaarta koob la’aanta ayaa laga yaaba in lagu aadiyo Napoli waxaana laga yaabaa xataa inay reebaan oo uu ku sii jiro abaartii koob la’aanta. laakiin Bayern ayaa u muuqata koox aan lagu soo dag dagi karin, waxayna doonaysaa inay sii kordhisato koobkan Dhago waynaha oo ay imika ka haysato 6 waxayna doonaysaa inay soo baraajeeso AC Milan oo 7 haysata taaso oo sanadkan u dhacday Europa League iyo Qamiislayda.

Dhanka kale, Napoli waxay ku jirtaa mid ka mid ah waayaheedii ugu wacnaa waxayna doonaysaa inay ku guulaysato Dhago waynaheedii ugu horeeyay kadib markii ay xili ciyaareedkii hore ay soo gaba-gabaysay 30 oo aanay ku guulaysan Seria A..

Barcelona vs Inter Milan

Barcelona iyo Inter Milan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay isku aadaan, markii ugu dambaysay xiliciyaareedkii hore ayay isku guruub ahaayeen markaas oo ay Barcelona Group-ka ku hartay. waliba Barceloona ciyaarihii ugu dambeeyay ee ay ciyaartay natiijooyin fiican ma keen iyadoo xataa ciyaartii ugu dambaysay ee group-keeda laga badiyay waliba koox aad u yar ayaa ka badisay, markaa barceloona xaalkeedu ma wacna waxaana laga yaaba in lagu durduriyo hadii ay kooxaha waa wayn ku aado.

Man City vs PSV

in kastoo kubadda cagata wax kasta ay ka dhici karaan hadana Man City looma cabsanayo kulan noocaan oo kale ah, sanadkan kaliya Bayern iyo Real Madrid ayaa joojin kara kooxda Man CIty.

Atletico Madrid vs Porto

Atletico Madrid oo ah koox uu Simeone ku ciyaarsiiyo Xamaasad iyo dagaal iyo Porto oo ah mid ka mida kooxaha ugu waa-wayn Portugis-ka marka ay iska hor yimaadaan waa kulan wayn oo aan sahlanayn, in kastoo la dhihi karo Atletico Madrid ayaa soo baxaysa waaba haday isku aadaane. ogow porto 2 jeer ayay ku guulaysatay koobkan Dhago waynaha halka Atletico aanay waligeed qaadin

Borussia Dortmund vs Copenhagen iyo Real Sociedad vs RB Leipzig

ugu horayn Borussia iyo Copenhagen haday isku aadaan waa kulan iska jilicsan waxaana muran la’aan soo bixi kara Borussia maadaama ay tahay koox miisaan leh, inkastoo wax walba kubada cagta laga fisho hadana Copenhagen maha koox waxyaabo waa-wayn laga filan karo.

dhanka kale, Real Sociedad iyo RB Leipzig waa laba kooxood oo aan wax sidaa u badan kala awood badan, haday isku aadaana waxaa laga yaabaa RB Leipzig inay soo baxdo. kolayba haday isku aadaan kulankooda wuxuu noqon doonaa kulan jilicsan oo aan wax muhiimad ah u lahayn taageerayaasha kubada cagtana.

Gabagabo – Gunta iyo Gunaanadka

Saadaasha horudhaca ah ee laga sameeyay UCL kooxa qaar waa lagu adkeeyay sida Arsenal halka qaarka kalena laga sii daayay sida Man City. sida loo saadaaliyay haday rumoodana waxaan daawan doonaa ciyaaro adag oo bir ah.

Abdirahman
Abdirahman
Articles: 12

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *