Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

FiFA oo Shaacisay 3-da Laacib ee ku Tartamaya Abaalmarinta The Best

3da-laacib-ee -ku-tartamaya-laacibka-sanadka-wararka-ciyaaraha

Dabayaaqada Sanadkan 2023 iyo Abaal marin kale oo xiiso leh! Xidhiidhka Ciyaaraha Aduunka ee FIFA ayaa Shaaciyay 3-da laacib ee ku tartimi doona Abaal marintan qiimaha badan ee FIFA THe Best.

Goormaa La Bixinayaa Abaal Marinta FIFA The Best

FIFA ayaa mareegteeda rasmiga ah ku shaacisay, in January 15, 2024 la qaban doono xaflada magacaabista ku guulaystaha xidiga sannadka ugu fiican, 3da Musharax ee kala ah Messi, Haaland iyo Mbappe ku loolami doonaan AbaalMarintan.

Dhamaadka sanad walba ayaa abaalmarintan waxaa la gudoonsiiyaa xidigii ugu fiicnaa uguna wax qabadka badnaa sanadkaasi oo dhan, waxaana lagu qiimayaa waxyaabihii xidiguhu ay u qabteen Dalalkooda iyo Naadigooda.

3dan Laacib iyo WaxQabadkoodii

Musharixiintu midba midka kale kama yaraysto, sida muuqatana qaarkood waxay ku tartamayaan wixii ay qaramadooda u soo qabteen sida Messi iyo Mbappe, halka Haaland uu ku tartamayo wixii uu Naadigiisa Man CIty u soo Qabtay xiliciyaareedkii hore.

Table-ka hoose waxaan ku soo koobnay waxqabadkii musharaxiintan ee xili ciyaareedkii hore, haday ahaan lahayd Dhamaan Kulamadii ay ciyaareen Tartamada oo dhan, Goolashii ay dhaliyeen, Kubbadihii ay caawiyeen iyo Tirada Koobabakii ay ku guulaysteen.

LAACIBKAKULAMADAGOOLASHACAAWINAADATIRADA KOOBABKA
Lionel Messi5734252
Erling Haaland6360103
Kylian Mbappe5753122
Fiiro Gaar ah: Qiimayntani waa Dhamaan Tartamada oo dhan 2022/23

Wax Qabadkii Messi

Messi ayaa qarankiisa Argentina la soo qaaday Koobka Aduunka oo ah mid aad u miisaan culus oo qofkii soo qaadaana si fudud uu ku qaadi karo Abaalmarin walba waa hadii uu ahaa qofkii ugu fiicnaa qarankiisa. Wuxuuna Messi Qarankiisa u dhaliyay. sidoo kale Messi wuxuu PSG la qaaday 2 koob oo kala ahaa Liiga iyo Super Cup-ka.

Messi wuxuu dhaliyay 7 Gool halka 3 kalena uu caawiyay intii uu socday World Cup-kii 2022, wuxuuna sidaa ku noqday xigii ugu fiicnaa World Cup-kii 2022 ka dib markii uu ku guulaysta koobkaasi.

Wax Qabadkii Haaland

Haaland ayaa UCL ka dhaliyay 12 Gool, Premier League-gana 36 Gool, xidigan ayaa mustaqbal ifayay ku leh Ciyaaraha kubada cagta. waxaala la saadaalinayaa inuu sadaha soo aadan koobab iyo abaalmarino badan ku guulaysan karo

Haaland ayaa sidoo kale Seddexleey koob ku soo guulaystay xili ciyaareedkii hore wuxuuna ahaa xidiga kaliya ee ay ku tiirsanayd kooxdiisa guud ahaan tartamada oo dhan.

Wax Qabadkii Mbappe

Mbappe ayaa World Cup-kii 2022 Xulkiisa u dhaliyay 8 gool sidaasi ayuuna ku qaaday kabtii gool dhalinta World Cup 2022, sidoo kale wuxuu Naadigiisa PSG ka caawiyay 2 koob oo kala ahaa Liiga iyo super cup-ka France.

Sida muuqata Mbappe fursad fiican uma haysto ku guulaysiga abaalmarintan waayo koob mug iyo miisan leh kuma uusan guulaysan ku darso oo mid ka mid ah musharixiinta ay is hayaan waa Messi ee, ayaa ka soo qaaday World Cup-kii 2022 taas oo rajadiisa god dheer ku sii ridaysa.

Gabogabo – Gunta iyo Gunaanadka

kolayba waan arki doonaa cidii ku guulaysata abaalmarintaasi iyo cidii ku guuldaraysata. sida loo badinayo Messi ayaa ugu cadcad maadaama abaalmarintan ay fiifa bixinayso Messina uu soo qaaday FIFA World Cup. Sidoo kale Haaland ayaan dab yar shideenin Maadaama uu UCL iyo Premier League soo qaaday sidoo kalena uu soo dhaliyay goolal ka badan musharixiinta kale ee la tartamaysa.


Sidoo Kale Aqri: Saadaasha isku aadka UCL

Abdirahman
Abdirahman
Articles: 12

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *