Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

Arsenal oo Xiisenaysa Jorrel Hato | Wararka Ciyaaraha

Arsenal oo Xiisenaysa Jorrel Hato | Wararka Ciyaaraha

maalmaha dambe waxaa aad loo hadal haya xiisaha ay u qabto Arsenal Difaaca Dhexe eee Ajax Jorrel Hato. Ciyaaryahanka da’da yar ee Ajax, oo lagu qiimeeyay €22m, wuxuu soo jiitay dareenka Arsenal, oo ka mid ah kooxaha ugu caansan Premier League. Xiisaha Arsenal ee Hato maaha mid caadi ah; kooxdu waxay ku qanacsan tahay inuu yahay “laacib laga faa’iidi doono.”

Wax qabadkii Jorrel Hato ee Ajax.

Jorrel Hato, oo ah laacib ka soo baxay akadeemiyada dhalinyarada ee caanka ah ee Ajax, ayaa madax -madax u rogay qaab ciyaareedkiisa Eredivisie, oo ah heerka ugu sareeya ee kubada cagta Holland. Waxaa lagu yaqaanaa xirfadihiisa farsamada, aragtida, iyo awoodda uu ku xakameyn karo ciyaarta khadka dhexe, Hato wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe ee dambe ee Ajax.

Xili ciyaareedkan 2023/24 wuu ciyaaray 16 kulan oo horyaalka ah, 1 gool ayuu dhaliyaya, 1 kalena wuu caawiayay. sidoo kale Europa League-ga wuu kooxdiisa u saftay 6 kulan, wax gool ah ma uusan dhalin laakiin 1 gool ayuu caawiyay.

Xiisaha Arsenal ee Hato.

Xiisaha Arsenal ee Hato ayaa cadeyn u ah awoodiisa. Kooxda fadhigeedu yahay London waxay taariikh u leedahay ka faa’iidaysiga tayoda da’ yarta, iyadoo ciyaartoyda sida Cesc Fabregas iyo Hector Bellerin ay ku soo barbaareen kooxdan iyagoon ka soo bixin Akademiyadeeda. markana waxaa Xaqiiq ah in Arsenal ay diyaar u tahay inay 22 milyan euro ku maalgeliso Hato iyagoo aaminsan awoodiisa.

Caqabadaha Horyaala.
Si kastaba ha ahaatee, talaabadani maaha mid khatar la’aan ah. ciyaaryahanka inuu ka yimaada Eredivisie una soo wareega Premier League waxay noqon kartaa mid adag inuu la qabsado Premier League, maadaama Premier League loo arko mid aad u adag. Waxaa intaa dheer, cadaadiska iyo rajooyinka ka soo wajihi kara koox sida Arsenal ah, waayo Arsenal imika maha sida Ajax oo uu u ciyaaro.

Gebagebadii

Arsenal ayaa doonaysa inay adkayso difaaceeda maadaha sanadkii hore Horyaalka looga qaadan sababo ku aadan tirada ciyaartooyda difaaca oo ku yaraa kooxda, sidoo kale Laacibkan Jorrel Hato ayaa doonaya inuu hormar ka sameeyo waayihiisa kubada cagta isla markaana uu ka ciyaaro horyaal wayn sida Premier League-ga.

Sidoo kale Aqri: Jude Bellingham oo Rikoor Cusub loo diiwaan galinayo
Abdirahman
Abdirahman
Articles: 12

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *